Thomas Tuchel Oo Qarka U Saaran In Uu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Bayern Munich.

0
27

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay Thomas Tuchel ka dhigato tababareheeda cusub kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Kooxda Bayern Munich ayaa si xun ku bilabatay xilli ciyaareedka iyada oo kaliya badisay 2 kulan 6-dii kulan ee ay ciyaartay Horyaalka Bundesliga iyada oo uu cadaadis saaran yahay tababare Julien Nagelsmann.

Wargayska Sports Bild ayaa sheegaya in ay Bayern Munich ka fikirayso in ay shaqada ka caydhiso Tababare Julien Nagelsmann hadii ay sii socdaan natiijooyinka xun ee kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Bayern Munich u dhaqaaqi doonto tababare Thomas Tuchel kaas oo bilaa koox ah tan ilaa markii ka tagay chelsea.

Tuchel ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada Chelsea bilowgii bishan sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee kooxda xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here