Jordan Henderson Oo Lagu Daray Liiska Xulka Qarankiisa Inkasta Oo Uu Dhaawac Kaga Maqnaa Liverpool 3-dii Kulan Ee Ugu Dambaysay.

0
32

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa lagu daray Liiska xulka qaranka England ee kulamada Italy iyo Germany ee fasaxa xulalka inkasta oo uu dhaawac ku seegay 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee Liverpool.

Jordan Henderson ayaa looga yeedhay waajibaadka xulka qarankiisa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii muruqa ahaa wakhti ka horeeya wakhtigii la filayay.

Xiddiga ayaan markii hore lagu darin Liiska xiddigaha xulka England ee kulamada fasaxa xulalka maadama uu dhaawac Ku maqnaa Kulamadii ugu dambeeyay.

Laakiin xiddiga Jordan Henderson ayaa haatan ka soo muuqday Liiska waajibaadka xulka England isaga oo ka qayb noqon doona kulamada Italy iyo Germany ee Nations League.

Warkan ayaa ka xanaajinaya Klopp iyo kooxda Liverpool maadama uu xiddigu muhiim ka yahay Kooxda isla markaas doonayeen in uu taam u noqdo kulamada kadib fasaxa xulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here