Chelsea Oo Arsenal Kula Biirtay Baacsiga Xiddig Premier league Ka Ciyaara.

0
31

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay loolanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz kaas oo lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay Arsenal maalintii ugu dambaysay ee suuqii Xagaaga iyaga oo 3 dalab ka gudbiyay saxiixiisa laakiin Aston Villa ayaa diiday dalabka Gunners.

Mustaqbalka Douglas Luiz ee Aston Villa ayuu shaki ku jiraa iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sida laga soo xigtay Birmingham Live, Chelsea ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadkeeda dhexe.

Chelsea ayaa Douglas Luiz u aragta badalka N’Golo Kante kaas oo uu dhaawacu ku batay sanadihii ugu dambeeyay kuna dhibaatooday in uu joogto u ciyaaro kulamada.

Tababare Potter ayaa xiddiga Douglas Luiz doonaya in uu u dhaqaaqo suuqa January si uu ugu xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here