Benjamin Pavard Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid Man United Suuqii Xagaaga, Sabab

0
27

Daafaca Bayern Munich Benjamin Pavard ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ugu biiri lahaa Manchester United intii lagu guda jiro suuqaii kala iibsiga xagaagan.

Red Devils ayaa qeybihii dambe ee suuqa lala xiriirinayay xiddiga reer France iyada oo kooxdu doonaysay saxiixa daafaca Midig oo la tartama xiddiga Diogo Dalot.

Pavard ayaa la sheegayaa in uu bartilmaameed u ahaa kooxda Red Devils iyada oo xitaa wararku sheegayaa in ay kooxdu dalab 35 milyan ah ka gudbisay saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Telefoot, waxaa jiray xiiso dhab ah oo ay Man United u qabtay saxiixa xiddiga laakiin Pavard ayaa diiday inuu u wareego Old Trafford isaga oo doonayay in uu sii joogo Bayern.

Pavard oo heshiiskiisa Bayern uga dhimantahay wax ka yar 2 sano ayaa kooxda u ciyaaray 127 kulan tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2019 waxana uu dhaliyay 7 gool kale uu caawiye ka noqday 11 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here