10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
27

Horyaalka premier League ayaa dib u soo laabtay sabtidii iyo Axadii iyada oo la ciyaaray todobaadkii 8-aad ee horyaalka kadib markii la baajiyay todobaadkii 7-aad.

Hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal ayaa ku soo laabtay wadada guulaha kadib markii ay garaaceen Brentford xilli xiddigaha William Saliba & Granit Xhaka ahaayeen xiddigaha ugu fiican Arsenal.

Kooxaha Man CIty iyo Tottenham ayaa cadaadiska ku sii hayay Gunners iyaga oo guulo ka kala gaadhay kooxdaha Wolves iyo Leicester City.

Fulham ayaa dhinaceeda guul soo laabasho leh ka gaadhay Nottingham Forest halka ay Everton guusheedii ugu horaysay gaadhay isla markaas garaacday kooxda West Ham.

Hadaba kadib kulamadii la ciyaaray todobaadkan waxa la soo saaray sidii caadada ahayd 10-kii xiddi ee ugu fiicnaa todobaadka premier League.

  1. Erling Haaland (Manchester City)
  2. Harry Kane (Tottenham)
  3. Kevin De Bruyne (Manchester City)
  4. Aleksandar Mitrovic (Fulham)
  5. William Saliba (Arsenal)
  6. Raheem Sterling (Chelsea)
  7. Son Heung-min (Tottenham)
  8. Ivan Toney (Brentford)
  9. Roberto Firmino (Liverpool)
  10. Luis Diaz (Liverpool)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here