Xaqiiqooyinka Laga Badiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

0
26

Waxa xalay la ciyaaray kulamo xiiso leh champions League kana tirsanaa kulamada 2-aad ee wareega Group-yada tartanka ugu xiisaha badan qaarada yurub.

Kooxda Bayern Munich ayaa garaacday Barcelona iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah tartanka champions League.

Liverpol ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay garaaceen kooxda Ajax kulan ka dhacay Anfield.

Kooxda Inter ayaa dhinaceeda garaacday kooxda Viktoria Plzan halka ay Tottenham guuldaro kala kulantay kooxda Sporting Lisbon.

Habada waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii waaweynaa ee champions League xalay la ciyaaray.

1.Goolkii Joël Matip ee dhashay daqiqiadii 89-aad ayaa ahaa Goolkii 1-aad ee uu u dhaliyay Liverpool tartamada oo dhan isaga oo dhamaan guuldaro uga badbaadiyay Liverpool.

2.Kaliya Jose Mourinho (6) ayaa ah tababaraha kulamada ugu badan ka badiyay Ajax iyada oo uu Klopp yahay tababaraha 2-aad eekulamada ugu badan ka badiyay Ajax isaga oo ka badiyay 4 kulan.

3.Mohamed Salah ayaa ahaa xiddiga ugu halista badan kulanka isaga oo sameeyay fursado halis ah intii uu socday kulanku.

4.Kooxda Barcelona ayaa laga dhaliyay 16 gool 30-kii laad ee ay kala kulantay Bayern Munich champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here