Liverpool oo Guul qaali ah gaartay waqtgii dhimashada ciyaarta

0
30

Waxa uu ahaa habeen qurux badnaa oo ay ka buuxaan kulamo badan oo xiiso lahaa kana tirsanaa Koobka dhagaweynaha ee champions League ga, kulamadii la ciyaaray waxaa kamid ahaa kii dhexmaray Liverpool vs Ajax oo la baasay 10 kii habeenimo ee geeska afrika .

Ciyaarta oo adkeyd ayaa shaki ku jiray qabsoomideeda gaar ahaan kadib geeridii Boqorada Ingriiska Queen Elizbeth oo baajisay qaar kamid ah kulamada yurub & kuwa maxaliga ah.

Ciyaarta oo ku bilaabatay dareen xamaasadeyn oo maqsuusiday taageerayaashii fadhiyey garoonka , liverpool oo beryahan wax badan laga sheegay ayaa sameysay rag ka rooni kadib markii ay furteen goolka 1aad waxaana u dhaliyey oo berayahan ka caaganaa shabaqyada kuwa mucaaradka.

Wiilasha martida ee Holandeeska ayaa diiday iney is dhiibaan , kadib markii Ajax goolka bar barahha udhaliyey M. Kudus 10 daqiiqo kadib goolkii Maxamed Salah taasoo ka dhigan daqiiqadii 17aad ee ciyaarta , wixii intaasi ka dambeeyey labada kooxood ayaa abuuro fursado dhowr oo hadana loo turjumin kubado badalaya natiijada

Qeybta dambe ciyaarta waxa ay aheyd mid labada dhinac sida adag ugu dagaalamayeen waxaa iray fursado ay aylatimid kooxda kubada cagta Ajax si lamida kooxda martida loo ahaa ee Liverpool oo iyaduna juhdi kubixisay sidii ay wax wanaagsan kulanka uga sameyn lahaayeen.

Kooxda Mersiside ka ayaa xoogeeda isugu geysay sidii natiijo wanaagsan kala bixi laheyd garoonka iyadoo la ogaa kulamadii ugu dambeeyey kooxda aad uliidatay natiijo ahaan sidoo kale Liverpool ayaa difaaciyan aad u dhibaatootay waqtigii ugu dambeeyey  si lamid ah kulankan.

hadaba laba kooxood sida ay ku weerarayeen waxa uu lama filaanka ka yimid dhanka liverpool oo gool ka heshay xidiga Matip taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo fursad usiisay wiilasha casaanka in 2 gool & gool ayku adkaadaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here