Jorginho Oo Magacaabay Cida Iska Leh Eeda Shaqo Ka Caydhinta Thomas Tuchel.

0
30

Kabtan ku xigeenka Chelsea Jorginho ayaa aaminsan in isaga iyo asxaabtiisa ay sabab u ahaayeen ceyrintii tababare Thomas Tuchel.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay shaqada ka caydhisay Tuchel kadib markii ay guuldaro ka soo gaadhay kooxda Dinamo Zagreb kulan ka tirsana champions League.

Tuchel ayaa ka tagay chelsea kadib markii ay 3 kulan badisay 7-dii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedka Jorginho ayaana sheegay in ay xiddigaha kooxdu eed ku leeyihiin shaqo ka caydhinta tababare Tuchel.

Jorginho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”dabcan waxa aan nahay koox, sidaas darteed qof kaliya masuul kama ahan waxa dhacay”.

“Waxa aan ahay koox sidaas darteed masuuliyada anaga ayaa wada leh waxa dhacay”ayuu sii raaciyay.

Chelsea ayaa Potter ku badashay Tuchel kadib markii ay shaqada ka caydhisay tababaraha reer Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here