Shir Looga Hadlaayey Yareynta Askareynta Caruurta Oo Magaalada Baydhabo ka dhacay.

0
201

Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga gudaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Mohamed Yasin Abdullahi ayaa shir gudoomiyey shirka isku duwida howlaha Askarayta caruurta iyo caruurta ay saameysay colaadaha ee koonfur galbeed oo maanta ka qabsoomay magaalada baydhabo.

Shirka ayaa diirada lagu saaray arimaha ka hortaga askareynta caruurta Ilaalinta bad-qabka caruurta ay colaaduhu saameeyeen ayadoona ay shirka kasoo qeyb galeen Agaasimeyaasha Guud Wasaaradaha qaar, Wakiilo ka socday Wasaaradaha KGS, UNSOM, ATMIS, SNA, SPF, Hay’aha Maxaliga Ee ka howlgalo deegaanada konfur galbeed somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here