Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Napoli.

0
209

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay garoonka tababarka iyada oo xiddiga ay u jabeen ee Thiago uu si buuxda maalinta Isniinta ugu soo laaban doono tababarka Liverpool.

Xiddiga Thiago ayaa dhaawacmay kulankii Fulham ee ay Liverpool bar-baraha ku bilaabatay xilli ciyaareedka premier League.

Xiddiga ayaan ciyaarin 5-tii kulan ee ka dambayay isaga ku dhibaatoonayay dhaawac muruqa ka soo gaadhay kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.

Laakiin xiddiga ayaa haatan si buuxda uga soo kabsaday dhaawacaas waxana uu tababarka buuxa bilaaban doonaa maalinta Isniinta ee bari ah.

Thiago ayaa ka qayb qaadan doona tababarka Liverpool isugu diyaarin doonto Kulanka Napoli ee champions League Arbacada ciyaari doonto.

Warkan ayaa ah mid ka farxiyay Kooxda Liverpool xilli ay sidoo kale xiddigo badan dhaawac uga soo laabteen maalmihii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here