Arthur Melo Oo U Duulaya England Si Uu U Dhamaystiro Heshiiska Uu Ugu Biirayo Liverpool.

0
159

Xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo ayaa haatan u duulaya Dalka England si uu u dhamaystiro heshiska uu ugu biirayo kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Brazil ayaa haatan diyaarad gaar ah ka raacaya dalka Italy isaga oo ku wajahan maagalada Liverpool si uu halkaas tijaabada caafimaadka ugu maro Reds.

Liverpool ayaa xiddiga Arthur Melo kula wareegaysa qaab amaa ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka isaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda.

Reds ayaa ku rajo weyn in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Arthur Melo kana dhigto saxiixeedii 4-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Liverpool ayaa doonaysa in ay Arthur Melo ku xaliso dhibaatada khadka dhexe ee ku habsatay xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here