RW Xamse oo Midowga Afrika kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

0
134

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Magaalada Tunis ee Waddanka Tunisia ayaa waxaa uu halkaasi ka wadaa kulamo uu la qaadanayo madaxda kala duwan ee ka qeyb gashay shirkii horumarinta Afrika ee lagu soo geba-gabeeyay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare  Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qaabkii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya & Midowga Afrika gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda & la dagaalanka Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dalalka Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka taageera dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here