Xulka Italy Oo Ka Qayb Gali Kara Koobka Adduunka 2022 Inkasta Oo Laga Reebay Tartanka, Qaab Noocee Ah.

0
41

Inkasta oo laga reebay koobka adduunka hadana xulka Qaranka Italy ayaa helay fursad suurtagal ah oo ay kaga qab gali karaan koobka adduunka ka dhici doona Qatar sanadkan.

Xulka Qaranka Italy ayaa si lama filaan ah uga hadhay tartanka koobka adduunka kadib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen xulka North Macedonia kulan ka dhacay dalka Italy todobaadkii hore.

Wargaysyo badan oo ay ka mid yihiin Sport Mediaset, Sky Sport Italia & Sportitalia ayaa sheegaya in ay jirto suurtagalnimo uu xulka Italy uga qayb gali karo koobka adduunka sanadkan.

Xulka Italy ayaa badali kara xulka Iran kaas oo laga ganaaxi karo in ay ka qayb galaan koobka adduunka sanadkan kadib markii ay u soo bexeen.

UEFA iyo FIFA ayaa Iran ka ganaaxi kara koobka adduunka kadib markii ay kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ka badiyeen xulka Libnaan u diideen dumarka dalka in ay garoonka ka daawadaan kulanka.

Xidhiidhada UEFA iyo FIFA ayaa horay ugu digay Iran iyaga oo u sheegay in ay dumarka u ogolaadaan in ay garoonka ka daawadaan ciyaaraha laakiin Iran oo ah dal muslim ah ayaa dumarkooda ka mamnuucay in ay garoonka ka daawadaan kulamada.

Hadaba hadii Xulka Iran laga ganaaxo koobka adduunka lagana reebo koobka adduunka waxa booskooda la galin doonaa xulka Italy maadama lagu dooran doono in ay yihiin xulka ugu qiimaha sareeya xulalka ka hadhay koobka adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here