Sergio Busquets Hal Arin Ayay Warbaahita Igu Dhaliishaa Mar Waliba , Mustaqbalkiisana Wuu Ka Hadlay

0
40

Sergio Busquets ayaa hoosta ka xariiqay in uu awoodo  in uu sii caawiyo kooxdiisa ayna u qorsheysneyn in uu ka fariisto ciyaaraha .

Hishiiska Sergio Busquets ayaa dhacaya xagaaga 20323-ka  waxa uuna xusay sababta uu mar waliba ula kulmo dhaleeceynada .

Idaacada RMC ayuu wareysi siiyay waxa uuna xusay in sababta loo weeraro ay tahay in aan saaxibo warbaahinta dibada ah uusan laheyn  oo uusan siin wareysiyo.

Laacibkaan 33 sano jirka ah  waxa uu ku dooday in in uu doonayo in uu sii joogo kooxdaas inkastoo go`aanka uu gacana ugu jiro maamulka kooxda.

” Waa suura gal in aayaheyga ku soo afjaro meel aan Barcelona aheyn balse ma dhaceyso in aanu ciyaaro koox kale oo yurub ah”. ayuu sii raaciyay wiilkaan reer Spain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here