Salah & Zlatan Ibrahimović Oo Hogaaminaya Liiska Xiddigaha Waaweyn Ee Seegi Doona Koobka Adduunka

0
38

Koobka addduunka Qatar 2022 ayaa la qaban doonaa dhamaadka sanadkan haatan lagu jiro waxana si weyn loo filayaa in uu noqdo tartan xiiso leh.

Xilli ay xiddigo badan isku diyaarinayaan ka qayb galkooda koobka adduunka waxa jira xiddigo magac weyn ku leh kubada cagta oo seegi doona koobka adduunka.

Waxa xalay la dhamaystiray intii badnayd ee is reeb-reebka koobka adduunka iyada oo ay kaliya 5 boos ka banaan yihiin ka qayb galka koobka adduunka sanadkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 6-ta xiddig ee ugu magaca weyn ee seegi doona koobka adduunka:

1.Mohamed Salah (Egypt)

Xiddiga reer Masar oo ah xiddiga ugu fiican adduunka xilli ciyaareedkan marka la eego qaab ciyaareedka uu ku jiro ayaa ugu horeeya Liiska xiddigaha waaweyn ee seegi doona koobka adduunka.

Xulka Masar ayaa ku fashilantay in ay u soo baxdo koobka adduunka kadib markii ay guuldaro rikoodhayaal ah kala kulmeen xulka Senegal taas oo la macno ah in uu Salah gurigiisa ka daawan doono koobka adduunka.

2.Zlatan Ibrahimović:

Xiddiga khabiirka ah ayaa xulka qarankiisa Sweden kala qayb qaatay kulankii ay guuldarada kala kulmeen xulka Poland laakiin waxa uu xulkiisa ka caawin waayay in ay aado koobka adduunka.

Zlatan Ibrahimović Ayaa sidaas darteed aan aadi doonin koobka adduunka sanadkan lagu jiro ka dhici doona dalka Qatar.

3.Erling Haaland (Norway)

Erling Haaland ayaa jira 21 sano laakiin waxa uu ka mid yahay xiddigaha weerarka ah ee ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan isaga oo kooxdiisa Dortmund u dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.

Haaland iyo xulkiisa Norway ayaa kaalinta 3-aad ka galay kulamadii is reeb-reebka koobka adduunka waxana uu xiddiga da’yarka ah seegi doonaa koobka adduunka sanadkan.

4 Gianluigi Donnarumma (Italy)

5 Marco Verratti & Lorenzo Insigne (Italy)

6 Luis Diaz (Colombia)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here