Muwaadin Soomaaliyeed oo toogasho lagu dilay Mareykanka

0
49

Rag aan weli heybtooda la garan ayaa Magaalada Portland ee Gobolka Oregon eee dalka Mreykanka waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday..

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Shaani Maxamed ayaa kamid ahaa Soomaalida ku Shaqeeysata Gawaarida qaada dadka rakaabka ah, waxaana meydkiisa laga helay Gaarigiisa aggiisa.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Portland ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Marxuum Shaani Maxamed oo 39 Sano jir ahaa uu u Shaqeeynayay Shirkadda Gaadiidka ee Uber, hayeeshee sibareer ah loo dilay.

Ciidamada Booliska Magaalada Portland ayaa wada  baaritaanka dilka loo geysta Shaani Maxamed oo ifka kaga tegay 8 Carruur ah iyo Hooyadood, kuwaas oo ay u gurmadeen Soomaalida kunool halka uu dilka ka dhacay.

Magaalooyinka kala duwan ee dalka Mareykanka gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa aad loogu dilaa, iyada oo dad badan oo u dhashay Mareykanka loo xiray inay dileen dad Soomaali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here