Man City Oo U Dhaqaaqaysa Xiddig U Ciyaara Man United

0
135

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba sida ay sheegayaan wararku.

Pep Guardiola oo suuqa u gali doona xiddig khadk dhexe ah suuqa xagaaga si uu ugu buuxiyo booska Fernandinho kaas oo uu dhacayo heshiiskiisa kooxdu.

Pogba ayaa dhankiisa la filayaa in uu qaab xor ah uga tago kooxda Man United marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Juventus, PSG iyo Real Madrid kuwaas oo doonaayy saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Laakiin Man City ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyada oo uu Guardiola doonayo in uu xiddiga ku sii hayo Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here