Liverpool Mise Man City? Garry Neville Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

0
121

Halyeeyga Koxda Man United ee Garry Neville ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay Man City iyo Liverpool ku tartamayaan horyaalka.

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayay kaliya hal dhibic u dhexaysaa iyada oo la galayo kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa la filayaa in ay ku tartamaan horyaalka premier League ilaa maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedkan.

Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Uma maleynayo in Liverpool ay ku jirto xaalad xun,” Neville ayaa ku yiri Sky Sports ‘The Overlap Live.

“Uma maleynayo inaad ku jiri karto qaab ciyaareed wanaagsan haddii aad ku jirto FA Cup, Champions League, Premier League isla markaas ku guulaysato Carabao Cup”.

“Waa in aad badiso kulamada marka aanad ku jirin xaalad fiican waana waxa ay Liverpool samaysay, waxana aan u Malaynayaa in ay qaadan doonaan xilli ciyaareed cajiib ah”.

“Markii aan daawada kulankoodii Arsenal, waxa ay uu sheegay in ay Liverpool ku guulaysan karto sababta oo ah qaab ciyaareedkoodu waxa uu ahaa koox ku guulaysan karta”.

“Waxa aan Man City u saadaaliyay horyaalka xilli ciyaareedka oo dhan laakiin waxan u malaynayaa in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka sababta oo ah waa koox halis ah sababta oo ah waxa ay haystaan 5 weeraryahan oo cajiib ah”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here