laamaha Amniga Dhuusamareeb oo soo bandhigay Burcad dhac geysaneysay

0
49

Ciidamada Booliiska Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigey rag ay sheegeen in ay burcad yihiin oo dhac bareer ah u geysanayay gaadiidka safarka ah iyo dadka la socda kuwaa oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Deegaanka Mareergur.

Raga lasoo bandhigey oo ah ayuu mid kamid ah ka muuqday dhaawac kusoo gaarey rasaas ay is waydaarsadeen ciidanka amaanka, waxaana isla goobta lagu soo bandhigey taleefoono iyo decomentiyo ay Booliisku sheegeen in ay ka mid yihiin agabka cadaymaha ah ee ay ka qaateen dadka musaafirka ah.

Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ragga Burcadda ah ee howlgalka lagu soo qabtay ay Maxkamad u gudbin doonaan, isaga oo ugu baaqay dadka Hantida ay ka maqan tahay in Ciidamada Booliska kasoo doontaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka kunool degaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay, taas oo keentay in Ciidamada howlgallo isdaba-joog ah fuliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here