Garry Neville Oo Kashifay Sababta Uu Mikel Arteta Uga Tagi Doono Arsenal Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

0
139

Kabtankii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa sharaxay sababta uu Mikel Arteta u go’aansan karo ka tagista Arsenal xagaaga inkasta oo uu dhawaanahan horumar ka sameeyay Emirates.

Arsenal ayaa ah kooxda ugu cad-cad in ay ku soo baxdo kaalinta 4-aad ee premier League iyaga oo 3 dhibcood ka horeeya kooxda Tottenham iyaga oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.

Ku dhamaysiga kaalinta 4-aad ayaa noqon doonta shaqo cajiib ah Mikel Arteta marka loo eego in ay kooxdu guuldaro ku bilaabatay 3-dii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka.

Laakiin Neville ayaa sheegay in uu Arteta go’aansan doono in uu isaga tagi doono kooxda Arsenal sabab la xidhiidha in ayna Arsenal koobab u tartami karin sida xiddigaha Man City, Liverpool iyo Chelsea.

“Run ahaantii waan jecelahay Arsenal, waxan u malaynayaa in uu yahay tababare cajiib ah, waxan u malaynayaa in ay kooxda Arsenal tahay koox cajiib ah marka loo eego in ay yihiin xiddigo da’yar ah”.

“Laakiin waxa aan ka wal-walsanahay in uu isaga tagi doono Arsenal marka uu u soo saaro champions League sabab la xidhiidha in uu raadsan doono koox koobab u tartami karta koobabka sida Man City iyo Liverpool”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here