Ciidanka Sirdoonka Gaarka ah ee Puntland oo howlgal fuliyay

0
50

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka Sirdoonka gaar ah ee Puntland waxaa la sheegay in ay hawgal qorshaysan ka fuliyeen dhul Buuraley ah oo kuyaalla Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay degaannada Madarshoon iyo Dhagax-dhaabur ee buuraleyda silsiladda Golis oo tirsan Gobolka Bari, halkaas oo dhowr jeer lagu arkay dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

War kooban oo kasoo baxay Ciidanka Sirdoonka Puntland ayaa lagu sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen Kooxaha Nabadda kasoo horjeeda, sidoo kalena ay ka burburiyeen Saldhigyo Ciidan oo ay lahaayeen.

Ugu dambeyn waxaa ay balan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgallada balse dhankooda ma shaacin khasaaraha soo gaaray intii ay wadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku xoogan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo mararka qaar kasoo qaada weeraro ka dhan ah Ciidamada kala duwan ee Maamulka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here