Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo xirtay waddo muhiim ah

0
212

Ciidamada oo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Galnudug ayaa Maanta waxaa ay xirteen waddo muhiim ah oo kutaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo ka cabanaya in wax mushaar ah qaadan muddo Saddex Bilood ah ayaa fariisin kulahaa degaanka Baxdo oo ay isaga soo baxeen, waxaana Maanta ay diideen in Gaadiid uu kasoo baxo ama uu Galo Magaalada Cadaado.

Qaar kamid ah Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay in Madaxtooyada Galmudug ay mushaarkii kajaratay taasina ay keentay in  Maanta gadoodaan, waxaana Madaxda Galmudug ay ka dalbadeen inay helaan xaquuqdooda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada ay dhagxaan iyo Agab kale kujireen waddo kutaalla duleedka Magaalada Cadaado si aan loo marin, waxaana halkaasi ku xayiran Gaadiid farabadan oi qaarkood ah kuwa xamuulka qaada..

Dhowr jeer ayay dhacday in sidaan oo kale ay mushaar la’aan ka gadoodaan Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Puntland wallow markii dambe la xaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here