Halyeeyga kooxda Liverpool oo hal mar ku guulaystay champions League ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in ay Arsenal Man United iyo Tottenham ku garaaci doonto kaalinta 4-aad ee premier League.
Dhammaan saddexda kooxood ayaa tartan adag ugu jira u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo ku tartamaya booska ugu dambeeya ee tartanka loogu soo boxo.
Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta laakiin waxa ay 3 dhibcood ka horeeyaan kooxda Tottenham oo ku jirta kaalinta 6-aad halka ay 4 Dhibcood ka dambayso kooxda Man United ee ku jirta kaalinta 5-aad.
Kooxda Mikel Arteta ayaa la ciyaari doona labada kooxood ee ay kula tartamayaan kaalinta 4-aad kulamada soo socda horyaalka premier League xilli ciyaareedkan
Carragher oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi””Waxaan qabaa in United iyo Spurs ay u badan tahay inay weli ku jiraan tartanka kaalinta 4-aad, sababta oo ah waxa ay haystaan xiddio fiican oo ayna Arsenal haysan”.
“Waxaan u maleynayaa saxiixyadii ay samaysay Arsenal xagaagii, waxa ay ahaayeen xiddigo da’yar ah waxana ay si weyn u caawiyeen kooxda Mikel Arteta waxana ay xiddiguhu u ciyaarayaan tababaraha dartiisa”.
“Marka aad daawato Man United uma malaynaysid in ay u ciyaarayaan Tababare Ralf Ragnick halka ay Tottenham u ciyaarayaan Conte”.
“Xilli ciyaareedkii hore Arsenal ma aysan fiicnayn laakiin waxa aan la dhacay shaqada uu Arteta qabtay, waxan u malaynayaa in ay Arsenal ku dhamaysan doonto kaalinta 4-aad”ayuu sii raaciyay.