Alexandre Lacazette Oo Saddexley Dhaliyay Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay Arsenal Ciyaartay.

0
48

Kooxda Arsenal ayaa 4/1 kaga badisay kooxda da’yarka ee Brentford kulan saaxiibtinimo iyada oo uu xiddiga Alexandre Lacazette dhaliyay 3 gool.

Xiddigaha Arsenal ee aan aadin waajibaadka xulalkooda ayaa kulan saaxiibtinimo ah garoonka tababarka kula ciyaaray kooxda da’yarka ee Brentford.

Mikel Arteta ayaa kulanka ku bilaabay xiddigo kooxda 1-aad ah oo ay ka mid yihiin Lacazette, Bernd Leno, Rob Holding, Nuno Tavares & Eddie Nketiah.

Qaybta kale ee kooxda ayaa ahaa xiddigaha da’yarka ah ee kooxda kana mid yihiin xiddigaha Charles Sagoe Jr, Bradley Ibrahim & Charlie Patino.

Kooxda Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta sida la filayay waxana ku dhawaatay in ay gool wakhti hore ah dhaliso iyada oo uu Nketiah helay fursad fiican laakiin Goolhayaha Brentford ayaa badbaadiyay.

Xiddiga Holding ayaa khasaariyay sidoo kale fursad fiican oo uu badbaadiyay Goolhayaha kooxda Brentford laakiin Lacazette ayaa daqiiqadii 16-aad u dhaliyay goolka furitaanka.

Xiddiga reer France ayaa qaybtii hore dhamaystiray saddexleyda isaga oo gool ka dhaliyay kubad koorne ahayd waxana uu kulankan ahaa mid uu Mikel Arteta ku tijaabinayay kooxdiisa ka hor kulanka Crystal palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here