Duleedka Magaalada Kismaayo oo Weerar ka dhacay

0
61

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland degaanka Singaleyr ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro labada dhinac ee dagaalamay soo gaaray.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Singaleyr ee duleedka Kismaayo ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii sidaan oo kale ay degaankaas ku dagaalamay Ciidamada Jubbalans iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here