Madaxweynaha Puntland & Safiirka Imaaraadka oo Kulan Ku Yeeshey Garowe.

0
127

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Safiirka ayaa dhankiisa waxaa uu ku amaanay Madaxweynaha Puntland doorkii uu ka qaatay shirkii Golaha wadatashiga ee ka qabwoomay Muqdosho, kaas oo laga soo saaray heshiis ku saabsan doorashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here