Zlatan Ibrahimovic Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Kali Ku Ahaa.

0
192

Weeraryahanka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa barbareeyay rikoorka gool dhalinta ee uu haysto Cristiano Ronaldo kadib markii uu dhaliyay gool kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Venezia.

40-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa haatan gool ka dhaliyay 80 kooxood oo kala duwan oo ka kala tirsan 5-horyaal Yurub ugu waaweyn yurub xirfadiisa ciyaareed.

Ibra iyo Cristiano ayaa haatan ah labada xiddig ee rikoodhkaas gaadhay xirfadooda ciyaareed iyada oo ayna jirin xiddigo kale oo rikoodhkaas ka dhigay kubada cagta.

Goolkii uu ka dhaliyay kooxda Venezia, Ibra ayaa sidoo kale gool dhaliyay ugu yaraan 24 sano oo xidhiidh ah xirfadiisa ciyaareed.

Zlatan ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed fiican isaga oo dhaliyay 8 gool 13 kulan oo uu Ac Milan u saftay horyaalka Serie A-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here