Sergino Dest Oo Ka Jawaabay Xiisaha Chelsea ee Saxiixiisa

0
123

Xiddiga Sergino Dest ayaa noqday badalka xiddiga Dani Alves kaas oo ah xiddiga 1-aad ee daafaca kooxda Barcelona laakiin xiddiga ayaan ka fikirayn in uu ka tago Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa dhankeeda u furan in ay iibiso xiddiga Sergino Dest si ay u yarayso mushaharka aadka u sareeya ee ay bixiso,

Laakiin Sergino Dest ayaan doonayn in uu ka tago kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa January ee bishan sida uu xaqiijiyay wakiilka xiddiga.

“Sergino Dest ma doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona”ayuu wakiilka Sergino Dest u sheegay Bild.

Go’aanka Dest ayaa imanaya kadib markii uu xiddigu xiiso ka helay kooxda Chelsea kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here