Real Madrid Oo Qaaday Talaabo U Dhawaynaysa Saxiixa Franck Kessie

0
127

Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo la furtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Franck Kessie kaas oo ay doonayaan in ay qaab xor ah kula wareegto xagaaga sida laga soo xigtay El Nacional.

Maamulka kooxda Real ayaa u duulay Milan si ay wadahadalo ula qaataan xiddiga bilowgii todobaadkan.

Kadib markii ay wadahadalo horumar leh qaateen, Madrid ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Kessie suuqa xagaaga.

Barcelona, ​​Tottenham Hotspur iyo Liverpool ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixiisa, laakiin Kessie ayaa u muuqda inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie ayaa iska diiday in uu ilaa haatan heshiis cusub u saxiixo kooxda Ac Milan kuwaas oo doonaya in ay sii haystaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here