Ralf Rangnick Oo Kashifay Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ee Laga Gaadhay Mustaqbalka Cavani.

0
40

Tababaraha Kooxda Man United ee Ralf Rangnick ayaa ka hadlay wararka ku saabsan mustaqbalka xiddiga kooxdiisa ee Edinson Cavani.

Cavani ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United suuqa January xilli lala xidhiidhinayo kooxo badan oo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Atletico Madrid.

Laakiin Ralf Rangnick ayaa sheegay in uuna Cavani ka tagi doonin kooxda suuqa January ee bishan oo uu sii joogi doono kooxda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ralf Rangnick oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan Edi u sheegay hadii ay aniga igu xidhantahay waxa aan doonayaa in uu sii joogo waxana aan kala hadlay arintaas”.

“Waxa uu iigu yimid xafiiskayga waxana aan wadahadalnay mudddo 3 daqiiqo ah waxana aan u sheegay in uu sii joogi doono kooxda ilaa dhamaadka xlli ciyaareedkan”.

“Kaliya anigu ma doonayo laakiin sidoo kale isaga ayaa doonaya in uu sii joogo waxana uu jecelyahay arintaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here