Klopp Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Thiago Alcantara Dhaawac Ku Maqnaan Doono Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka.

0
129

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa beeniyay in Thiago Alcantara uu dhaawac ku seegayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa ku soo laabatay ciyaaraha Axadii iyaga oo la ciyaaray Shrewsbury Town kulan FA Cup-ka ahaa kadib markii ay xakameeyeen xanuunka Korona.

Xiddiga aan ciyaarin kulanka ayaa ahaa Thiago taas oo shaki ka keentaytaam ahaanshihiisa maadama uuna ciyaarin wax kulan ah tan ilaa 30 bishii December.

“Maya ma soo laaban doono dhamaadka March mana maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”ayuu klopp ydihi.

“Waxa uu xanuun ka dareemay feedhaha, xaaladan waxa ay u baahantahay wakhti, todobaadkan wax tababar ah ma qaadan laakiin (Isniinta) Maanta ayuu ku soo laaban doonaa tababarka fudud”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here