Hoggaamiyihii Hore ee Myanmar oo ay Maxkamad Ku Ku Ridday

0
114

Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ayaa afar sano oo xabsi ah ku xukuntay hoggaamiyihii hore ee talada dalkaas laga tuuray Aung San Suu Kyi.

Maxakamadda ayaa xukunka Suu Kyi u cuskatay eedeymo dhowr ah sida in ay ku tumatay xeerarkii lagu xakamaynayay fiditaanka xanuunka Covid-19 iyo heysashada qalab isgaarsiineed aan lahayn ruqsad taa oo xadgudub ku ah sharciga dhoofinta iyo soo dajinta badeecadaha dalka Myanmar.

Taageerayaasha haweeneydan 76 jirka ah ayaa eedeymaha loo soo jeediyay hoggaamiyahaas ku tilmaamay kuwo looga dan leeyahay in xukunka looga fogeeyo.

Warbaahinta iyo dadweynaha ayaa loo diiday in ay goobjoog ka ahaadaan goobtii uu ka dhacayay xukunka ka dhanka ah Suu Kyi.

Bishii Diseembar ayay maxakamadi ku ridday Suu Kyi xukun afar sano ah oo la sheegay in ay ku muteysatay kicin, Khalkhal gelin iyo ku tumasho ka dhan ah xamakamaynta feyraska Korona. Walow kolkii dambe garsoorayaashu ay u fududeeyeen ciqaabta oo ay ka dhigeen laba sano.

Lama oga in Suu Kyi ay xukunkaas ku qaadan doonto xabsiga caadiga ah iyo in loo soo wareejin doono xabsi guri.

Bishii February ee sanadkii tagay ayay ahayd markii ciidamada dalkaasi ay xilka ka tureen hoggaamiye Suu Kyi oo ahayd hoggaamiye rayid ah iyada oo milatariga xukunka haya uu haatan wajahayo go’doon caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here