Barcelona Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Samuel Umtiti & Ferran Torres Oo Sabab U Ah

0
189

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Samuel Umtiti kaas oo qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.

Xiddiga reer France ayaa ogolaaday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa inta ka dhiman heshiiskiisa uu saxiixay ee uu sii joogi doono kooxda.

Heshiiska cusub ee Umtiti iyo mushaharkiisa uu hoos u dhigay ayaa Barcelona haatan ka caawinaysa in ay diwaan galiso xiddiga cusub ee kooxda Barcelona ee Ferran Torres kaas oo ay kala soo wareegtay Man City.

Heshiiska Umtiti ayaa dhacayay xagaaga 2023 laakiin kooxda ayaa heshiis cusub ka saxiixatay si ay Ferran Torres u diwaan galiso kadib markii uu diiday xiddigu in uu isaga tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here