United ayaa kulankaan galeysa iyadoo ka soo hartay tartanka EFL cup-ka balse bandhigooda horyaalka uu wacan yahay
Xogta Kulanka
Halka guul ee Aston ee qeybta ka ah 45-tii kulan ee hore ee Old Trafford waxa uu ahaa December 2009-kii
Guul-daradaas ayaa ah tan kaliya ee United 34-kii kulan ee la soo dhaafay ee ay Aston Villa la ciyaareen , 26 guul iyo 7 bar bar dhac ayay galeen
United waa bilaa guul darro 5 kulan oo furitaanka horyaallka ah , waana markii labaad ee ay sidaas sameynayaan 10 xilli ciyaareed , 8 kulan ayay sidaas sameeyeen xilli ciyaareedkii 2027/2018-kii
7-dii kulan ee ugu dambeeyay United ee ay guul dareysteen waxaa ay ka dhaceen Old Trafford dhamaantoodna waa PL .
Bruno Fernandes sedex gool ayuu ku leeyahay Aston Villa dhamaan waa rigoore
Aston Villa waa ay guul dareyteen labadii kulan ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen iyadoo horyaalka la joogoAshley Young oo kooxdiisa hore ka ka hor tagaya ayaa United u saftay 261 kulan inta u dhaxeysay 2011/2020.