Shaxda Ay Man United Kaga Hor Tagi Karto West Ham, CR7 Ayaa Weerarka Hogaaminaya.

0
145

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu sii wato qaab ciyaareedkiisa fiican ee goolka hortiisa marka ay Ma United maanta marti u noqon doonto kooxda West Ham.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa dhaliyay 2 gool kulankii hore ee Newcastle United ka hor inta uuna dhalin gool kulankii xigay ee champions League.

Man United ayaa u safraysa West Ham kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan waliba guul ku bilowday kulankoodii ugu horeeyay ee Europa League.

Ronaldo ayaa la filayaa in uu sii haysto booskiisa shaxda Man United iyada oo ay xiddigaha Bruno Fernandes, Jadon Sancho & Mason Greenwood ka garab ciyaari doonaan.

Xiddiga khadka dhexe ee Pogba ayaa dhankiisa la filayaa in uu shaxda ku bilowdo isaga oo ka garab ciyaari doonaan xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic halka daafacu sidiisii hore ahaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here