Muddada Uu Gareth Bale Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday

0
133

Xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Gareth Bale ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 8 todobaad ah kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

Bale ayaa dhaawac muruqa ah soo gaadhay intii uu ku jiray tababarkii sabtidii hore waxana uu seegay kulamadii Celta Vigo iyo Inter Milan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Bale haatan garoomada ka maqnaan doono muddo dheer taas oo wax xun u ah xulka qarankiisa Wales iyo waliba kooxda Real Madrid.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa ka maqnaan doona kulamo badan oo kooxda Real Madrid ah kana mid yahay kulanka El Clasico ee dhici doona 24 bisha October ee ay la ciyaari doonaan Barcelona.

Sidoo kale xiddiga ayaa ka maqnaan doona kulamada xulka qarankiisa ee Is reeb-reebka koobka adduunka ee bisha Dambe lana ciyaari doonaan xulalka Czech Republic & Estonia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here