Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay Isku Daygii Chelsea Ee Saxiixa Harry Kane Suuqii Xagaaga.

0
42

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in wada -hadallo lala yeeshay dhexdhexaadiyeyaal ku saabsan suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane suuqii xagaaga.

Kabtanka reer England ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay Tottenham isaga oo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda intii uu furnaa suuqa xagaaga

Laakiin Kane ayaa ugu dambayn go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda Tottenham xilli ay chelsea baanka u jabisay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku.

Tuchel ayaa haatan shaaca ka qaaday in ay kooxdiisu wadahadalo la qaadatay sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga laakiin ayna wax talaabo ah u qaadin saxiixa xiddiga.

“Kooxda ayaa wadahadalo la qaadatay wakiilada xiddigo badan, Harry-na xiddigahaas ayuu ka mid ahaa laakiin wadahadaladu ma ahayn kuwo dhaw”ayuu Tuchel yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here