Raphael Varane Oo Kashifay Markii Uu Ku Dhawaaday In Uu Ku Biiro Man United.

0
74

Raphael Varane ayaa Kashifay in uu ku dhawaaday in uu ku biiro Man United sanadkii 2011 kadib markii uu wakhtigaas la kulmay Tababarihii kooxda Man United ee Sir Alex Ferguson.

Xagaagii 2011 Man United ayaa ka mid ahayd kooxihii u dagaalamayay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara.

Tababarihii hore ee Man United Ferguson ayaa si toos ah u aaday guriga Hooyada Varane si uu xiddiga ugu qanciyo in uu ku biiro kooxda Man United.

Wakhtigaas Varane ayaa 18 jir ah waxana uu ku dambeeyay Real madrid sabab la xidhiidha in uu Zinedine Zidane si toos ah ula hadlay xiddiga.

“Waxa ay ahayd wakhti khaas ah aniga iyo qoyskayga”ayuu Varane u sheegay Sky Sport.

“Waa wax cajiib ah in aad la kulanto shaqsi isaga oo kale ah adiga oo 18 sano jira, waxa aan ku dhawaaday in aan wakhtigaas ku biiro United laakiin mar walba aan ogaa in aan mar uun noqon doono xiddig Man United”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here