Manchester City ayaa dooneysa inay jabiso rikoor kale oo Premier League ah marka ay galabta Sabtida ku soo dhoweyso Southampton garoonka Etihad Stadium.
Kooxda Man City ayaa guul gaadhay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ay ciyaartay iyada oo ka badisay kooxaha Norwich City, Arsenal & Leicester City kadib markii ay guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Kooxda Pep Guardiola ayaa 5 gool kaga badiyay Norwich City kulan ka dhacay Ethihad bilowgii xilli ciyaareedka waxa ay sidoo kale 4 kaga badiyeen Everton kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore.
Hadii ay man City 5 gool ku badiso mar kale waxa ay noqon doonaan kooxdii ugu horaysay ee taariikhda premier League 4 kulan oo xidhiidh ah ku badisa natiijadaas.
Kooxaha Everton iyo Aston Villa ayaa rikoodhkaas horay u dhigay iyaga oo kala dhigay sanadihii 1931 iyo 1899 laakiin kooxahaas ayaa rikoodhka dhigay markii aan premier League la odhan jirin.