Kooxda Uu Lionel Messi Kaga Biiri Doono PSG Oo Haatanba La Sii Ogaaday.

0
51

Weeraryahanka Inter Miami Gonzalo Higuain ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ka ciyaarta horyaalka MLS ay aad u dooneyso saxiixa Lionel Messi mustaqbalka.

In kasta oo 33 jirkaan uu meesha ka saaray in ninka ay isku dhalashada yihiin ee reer Argentina uu ka tagayo Yurub ilaa ugu yaraan 2023 ka dib markii uu xagaagii u wareegay Paris Saint-Germain.

Messi ayaa PSG ugu biiray heshiis 2 sano ah kooxda PSG iyo hal sano oo dookh ah oo uu u saxiixi karo kooxda PSG.

U Dhaqaaqista Messi ee America ayaa muddo dheer la hadal hayay Higuain ayaana haatan xaqiijiyay in madaxweynaha Kooxda Inter Miami ee David Beckham doonayo in uu xiddiga keeno kooxdiisa.

“Ma doonayo in aan dhibaato kale sababta oo ah waxba kama ogi Messi iyo Miami”ayuu Higuain yidhi.


“Wuxuu u saxiixay labo sano PSG, kooxda ayaa dooneysa – waan arki waxa dhaca mustaqbalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here