Cali Guudlaawe oo la kulmay Guddiga Baarlamaan ee doorashada Aqalka Sare

0
96

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Gudiga Doorashada  Aqalka Sare ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa Gudiga Kala hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa Madaxweynaha ay siiyeen Warbixn la xiriirta halka ay marayaan u diyaar garoowga howlaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu soo saaro liiska muaharixiinta Xildhibaannada Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here