Chelsea Oo Lagu Garaacay Saxiixa Achraf Hakimi

0
202

Paris Saint-Germain ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiiska ay kula Wareegayso daafaca midig ee reer Morocco Achraf Hakimi inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, ka dib wadahadalo socday bishii la soo dhaafay.

Inter Milan ayaa go’aansatay inay iibiso Ashraf Hakimi si ay u xalliso dhibaatada dhaqaale ee kooxda, taasoo sababtay in Antonio Conte uu kooxda ka tago ka dib dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, inkastoo uu ku guuleystay horyaalka Serie A-da.

Paris Saint-Germain ayaa gaartay heerka ugu dambeeya ee wadahaladii ay kula jirtay kooxda Inter Milan si ay ula soo saxiixato Hakimi xagaagan, iyaga oo ka hor maray kooxda chelsea maalmihii ugu dambeeyay.

Agaasimaha Ciyaaraha ee Paris Saint-Germain, Leonardo, ayaa xoojiyay wadaxaajoodkiisa si uu heshiis ula gaaro kooxda Inter Milan waliba saxiixa xiddiga u dhamaystiro 27 bishan haaatna lagu jiro.

Kooxda Inter Milan ayaa la aaminsanyahay in ay doonayso in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 100 ilaa 80 milyan inta u dhexaysa si ay ugu adeegsato in ay ku xoojiso kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here