4 Xiddig Oo U Sharaxan Kabtanimada Real Madrid Kadib Bixitaankii Sergio Ramos

0
115

Wargeyska AS ayaa shaaca ka qaaday liiska Xiddigaha u sharaxan in ay noqdaan kabtanka Kooxda Real Madrid kadib bixitaankii Sergio Ramos.

Real Madrid ayaa maalmo ka hor shaacisay bixitaanka kabatnakooda taariikhiga ah ee Sergio Ramos kadib 16 sano oo uu joogay kooxda waliba sanado badan u xidhnaa calaamada kabtanimada.

Wargayska AS ayaa shaaciyay in ay jiraan 4 xiddig oo u sharaxan in ay calaamada kabtanimada ka badalaan Sergio Ramos waliba noqdaan kabtanka 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigahaas ayaa kala ah Dani Carvajal, Casemiro, Marcelo iyo waliba xiddiga khadka dhexee Luka Modric.

Isla wargayska ayaa sheegay in ay xiddigaha Casemiro iyo Dani Carvajal ugu dhawyihiin in ay noqdaan kabtanka marka loo eego in ay saamayn ku leeyihiin kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here