Wakiilada Ronaldo oo xidhiidh la sameeyeen kooxaha Manchester United, Real Madrid & PSG

0
77

Wakiilada Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in ay xidhiidh la sameeyeen kooxaha Manchester United, Real Madrid & Paris Saint-Germain si ay ugala hadlaan ku biirista xiddiga suuqa xagaagan.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Juventus xilli heshiiskiisa kooxdu ka hadhsanyahay muddo hal sano ah.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay ESPN wakiilada xiddiga ayaa ka shaqaynaya sidii ay koox ugu heli lahaayeen xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaaga

ESPN ayaa sheegaysa in ay wakiiladiisu la xidhiidheen kooxaha Man United, Real Madrid iyo PSG si ay ugala hadlaan suurtagalnimada uu xiddigu midkood ugu biiri karo.

Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayay 3-da kooxood bilihii ugu dambeeyay waxana ay wakiiladiisu doonayaan in ay koox cusub u helaan inta uu socdo tartanka Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here