Baydhabo Khadka Laga Saarey Adeegyadii Is Gaarsiinta.

0
96

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo u dhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ku leeyihiin degaanka Deeynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo Maanta Barqadii soo gaaray, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaalka qeyeb ka ahaa ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay qasaaro gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60aad ayaan weli si faah faahsan uga hadln dagaalka, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka Gobolka Baay kadib markii Isgaarsiinta Hawada laga saaray.

Welina waxaa socda dhaq dhaqaaq ciidan gurmad ah oo ka socda magaalada baydhabo tan iyo waabarigiina waxaa weli hada kamaqan adeegyada is gaarsiinta ee magaalada baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here