AFAR Xiddig Oo Chelsea Ka Caawin Kara Saxiixa Erling Haaland.

0
108

Chelsea ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa Erling Haaland xagaagan inkasta oo ay kooxda Borussia Dortmund doonayso in ay sii haysato xiddiga hal xilli ciyaareed oo kale laakiin xiddiga ayaan qiimo jaban uga tagi karin kooxda.

Inkasta oo xiddiga heshiiskiisa lagu bur-burin karo 72 milyan sanadka dambe hadana xiddiga ayaa lagu heli karaa wax ka badan 150 milyan oo euro suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee kooxda cheslea ayaa diyaar u ah in wax walba u samayso sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga Erling Haaland si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Star Sport ayaa sheegaya in ay jiraan 4 xiddig oo chelsea ka caawin kara in ay hesho saxiixa xiddiga Erling Haaland suuqa kala iibsiga xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha Fikayo Tomori, Tammy Abraham, Hakim Ziyech & Kepa Arrizabalaga ka caawin karaan chelsea in ay helaan saxiixa xiddiga Erling Haaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here