Waa Immisa Lacagta Ay CAAWA Helayaan Manchester United Iyo Villarreal Oo Finalka Europa League Ciyaaraya?

0
34

Manchester United iyo Villarreal ayaa finalka Europa League ciyaaraya, waxaana finalkii shanaad ee Ole Gunnar Solskjaer uu keeno kooxdan ee aanu marnaba ku guuleysanin wax koob ah, laakiin Unai Emery ayaa saddex jeer oo hore soo qaaday koobakn.

Labada kooxood ayaa caawa la guddoonsiin doonaa abaal-marino iyo lacago, waxaana sida la fahmi karayo badsan doonta kooxda ku guuleysta koobka, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa wax kasta oo aad uga baahan tahay abaal-marinta lacageed ee ay heli doonto Manchester United ama Villarreal midkooda koobka ku guuleysta.

Kooxda ku guuleysata Europa League, ma heli doonto lacag u badan sida naadiga ku guuleysta Champions League oo kale, laakiin haddana waxay helaysaa lacago malaayiin Euro ah iyo sidoo kale in ay si toos ah ugu soo baxdo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Si la mid ah Champions League oo kale, Europa League ayaa wareeg kasta oo ay kooxuhu usoo gudbaan wax laga bixiyaa lacago, iyadoo ay tirooyinkana saamayn ku leedahay baahinta kulamada iyo saamaynta suuqa ay ku leeyihiin kooxuhu.

Xilli ciyaareedka 2020-21 ee sii dhamaanaya, waxa uu la mid yahay 2019-20 sababtoo ah Korona Fayras iyo garoomadii oo madhan ayay saamayntoodu wali taagan yihiin. Kooxda ku guuleysata Europa League ayaa waxay caawa ku guuleysan doontaa lacag dhan €8.5 milyan oo Euro, halka kooxda koobka laga qaadana la siin doono €4.5 milyan Euro oo kale.

KaalintaLacagta
Kooxda koobka qaadda€8,500,000
Kooxda kaalinta labaad€4,500,000
Wareeggii semi-finalka€2,400,000
Wareeggii siddeedda€1,500,000
Wareeggii 16ka€1,100,000
Wareeggii 32ka€500,000
Guuleysteyaashii Group-yada€1,000,000
Kooxihii kaalmaha labaad kaga soo baxay Group-yada€500,000
Barbarrihii group-yada€190,000
Guulihii group-yada€570,000
Kooxihii kasoo qayb-galay isreeb-reebka u dambeeyey€300,000
Wareegii saddexaad ee isreeb-reebka €280,000
Wareeggii labaad ee isreeb-reebka€260,000
Wareeggii koowaad ee isreeb-reebka€240,000
Wareegii isreeb-reebka ee ugu horreeyey€220,000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here