Real Madrid, Barcelona & Juventus Oo LABA Sannadood Laga Mamnuucayo Champions League & Baadhistii UEFA Oo Soo Dhamaatay

0
71

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa tallaabo anshax marin ah ka qaadaya kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus oo diiday in ay ka baxaan tartanka Super League ee ay naadiyadii kale ee la samaystay dhamaantood iskaga baxeen.

Labada kooxood ee reer Spain oo lagu daray Juventus, waa saddexda kooxood ee kaliya ee ku hadhsan mashruuca fashilmay ee Super League, iyadoo sagaalkii naadi ee kale ay hore u shaaciyeen in ay ka laabteen mashruucaas kaddib mudaharaadyo kaga yimid taageereyaasha iyo culaysyo ay saareen UEFA, xidhiidhada dalalkooda iyo khubarada ciyaaraha.

War-saxaafadeed ay xalay soo saartay UEFA ayay ku xaqiijisay, in saddexdan kooxood lagu furay kiis la xidhiidha in ay jabiyeen sharciga ay ku shaqayso UEFA, taas oo ay ka dhalan doonto ciqaab adag.

“Baadhitaan ay samaysay guddida Anshaxa UEFA oo la xidhiidhay waxa loogu yeedhay ‘Mashruuca Super League, dacwado anshax marin ayaa lagu oogayaa kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus taas oo ah in ay jabiyeen sharciga ay ku shaqayso UEFA.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saartay UEFA, iyadoo intaana la raaicyey in macluumaad dheeraad ah la bixin doono.

Warbaahinta adduunyada  ayaa sheegtay, in haddii lagu helo kooxahan, in ay jabiyeen sharciga ay ku shaqayso UEFA, in ay mudan doonaan ciqaab ah in laga ganaaxo tartanka Champions League.

Ciqaabta ugu adag ayaa waxay noqon doontaa in laga caydhiyo tartanka Champions League sannad ama laba sannadood iyo waliba ganaax lacageed oo aad u badan.

Maxaa dhacaya haddii kooxahan laga ganaaxo Champions League?

Horyaallada Spain iyo Talyaaniga, waxba iskama  dhimi doonaan tirada kooxihii uga qayb-gelayay tartanka Champions League haddii la ganaaxo saddexdan kooxood.

Boosaska Real Madrid iyo Barcelona, waxa Spain  u beddeli doona Real Sociedad iyo Real Betis, halka Talyaanigana ay iman doonto Napoli oo kaalinta shanaad ku dhamaysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here