Foden Oo Kaalinta 3aad Keenay Manchester City.

0
123

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaadhay Brighton & Hove Albion oo ay ku qaabbisay Etihad Stadium.

Manchester City oo ay ciyaar baaqi u tahay ayaa hal dhibic kaliya ka dambaysa Liverpool, taas oo haddii ay soo badiso ay laba dhibcood ka hormari doonta.

City oo lagu ciyaarayaya garoonkeeda ayaa waxay 10 ku garaacday Brighton, waxaana guushan ku hoggaamiyey xiddiga da’da yar ee Phil Foden oo daqiiqaddii 44aad ee dhamaadka qaybta hore u dhaliyey gool qurux badan oo kala soo dhex-baxay difaaca Brighton.

Manchester City ayaa soo bandhigtay ciyaar qurux badan oo ay khadka dhexe ka farsamaynayeen Bernardo Silva, Kevin De Bruyne iyo Gundogan, waxaanay kusii siqaysaa inay soo qabato labada kooxood ee ka horreeya ee Manchester United oo 36 dhibcood haysata iyo Liverpool oo kaalinta labaad ku haysata 33 dhibcood.

Tababare Pep Guardiola oo kooxdiisu ay dhibaato kusoo dhex-jirtay xili ciyaareedkan ayaa waxay yeelatay 32 dhibcood iyadoo ciyaartay 16 dhibcood halka ay kooxaha kale ka dheeleen min 17 ciyaarood, waxaana haddii ay guuleysato kulanka u hadhsan ay laba dhibcood ka horreyn doontaa Liverpool.

Ilkay Gundogan ayaa kubbad cajiib ahayd waxa uu ku toogtay goolka Brighton, waxaanay kusoo dhacday birta, Silva oo helay ayaa isaguna aan ka fa’iidaynin.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa Manchester City loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu goolhaye Sanchez lugta qabtay Kevin de Bruyne oo kubbad ka hor gujiyey.

Raheem Sterling oo beddel kusoo galay ayaa rikoodhahan loo daayey, waxaase nasiib-darradiisa uu mariyey birta dusheeda.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here