Zinedine Zidane Oo Sabab La Yaab Leh Ku Ciqaabay Vinícius Júnior

0
93

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Vinícius Júnior ayaa laga waayay shaxda Los Blancos kulamadii ugu dambeeyay isaga oo Ka baxay qorshaha tababare Zidane kadib dhacdo dhacay kulankii Man City ee champions League xilli ciyaareedkii hore.

Vinícius Júnior Ayaa kaliya daqiiqado ciyaaray 4-tii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo aan wax kulan ah ku bilaaban xilli ciyaareedkan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu tababare Zidane doonayay in uu xiddiga Vinícius Júnior ku bilaabo shaxdiisa kulankii Man City ee champions League laakiin tababaraha ayaa badalay go’aankiisa isaga oo xiddiga da’yarka ah kaydka dhigay.

Wargayska ayaa sheegaya in ciqaabta Zidane ka dambayso kadib markii uu Vinícius Júnior ku mashquulay Telefoonkiisa gacanta xilli uu Xiddigaha kooxda u soo jeedinayay talooyinka ka horeeya kulanka.

Wixii kulankaas ka dambeeyay Zidane ayaa ka saaray qorshihiisa xiddiga Vinícius Júnior isaga oo aan kulamo badan ciyaarsiin ilaa haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here